Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray degmada Balcad

19

Wafdi uu hogaaminayo sii hayah wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa saakay ka amba baxay magaalada Muqdisho iyagoo gaaray magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu usoo dhagax dhigo dugsi sare oo qeyb ka ah mashruuca horu-marinta waxbarashada dalka kaasi oo la gaarsiinayo guud ahaan gobolada dalka.

Wafdigaan waxaa qeyb-ka ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, wasiiro ka tirsan xukuumada Hirshabeele.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa siidaan oo kale dhawaan dhowr goobo waxbarasho ka dhax dhigay magaalooyinka ,Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya si kor loogu qaado guud ahaan waxbarashada dalka.