Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo maanta ka qeyb-galay shirkii lixaad ee ay yeeshaan Wasiirada Ganacsiga dalalka Afrika ee ku bahoobay heshiiska urur Ganacsiyeedka Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika ( Africa Continental Free Trade Ara).
Shirkaas ayaa loogga hadlay dhammeystirka heshiiska iyo sidii loo bilaabi lahaa dhaqan-gelintiisa Afrika dhexdeeda. Waxa kale oo uu sheegay in loogga hadlay sidii wadamada Afrika ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta dhinacyada Ganacsiga iyo sidoo kale siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee ka jira Qaaradda Afrika.
Wasiiru-dawlaha Ganacsiga, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa xusay in shirkani uu daba socday shir hore ee Agaasimeyaasha Ganacsiga Afrika ay ku yeesheen dalka Ghana.
Wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiskan ganacsi uu wax badan ku soo kordhin doono ganacsiga Soomaaliya iyo midka guud ahaaneed ee Qaaradda Afrika isaga oo carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka helayso suuqyo ganacsi oo caalami ah oo loo dhoofiyo wax-soo-saarka dalka iyo sidoo kale inay noqon doonto xudunta isku xirka qul-qulatooyinka ganacsiga Adduunka ee mari doona badweynta Hindiya.