Maamulka gobolka Banaadir oo maanta shaacinaya natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

4

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa uu shaacin doonaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ee sanadka 2020 -2021ka, sida uu sheegay agaasimaha waxbarashada ee gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Shiikh Nuur.

Sanadkan ayaa waxaa imtixaanka fasal 8aad ee dugsiga dhexe waxaa u fariistay ardey gaareysa 26,688 ardey oo gobolka banaadir ah sida uu sheegay agaasimaha waxbarashada ee maamulka gobolka.

Ardeyda fasalka 8-aad ayaa imtixaanka uu qaado maamulka gobolka banaadir sanadkan u fariistay 27 bishii May ee sanadkan 2021ka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii labaad qaaday imtixaanka dugsiga dhexe kadib markii maamulkeeda lagu wareejiyey