Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray in qiimaha shidaalka oo sare u kacay uu door ka ciyaaray guuldarrooyinka xisbiga Jamhuuriga ka soo gaaray doorashooyinkii dhexe.
Trump oo wax yar ka hor la hadlayay telefishinka Fox News ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu weeraro qaybo ka mid ah dalka Iran.
“Marna ma oggolaan doonno inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.
Trump ayaa sidoo kale qiray in qiimaha shidaalka uu dhibaato ku noqday xisbiga Jamhuuriga intii ay socdeen doorashooyinkii dhexe, isaga oo sheegay in dadku aysan ku faraxsanayn marka ay khasab ku noqotay inay shidaalka lacag dheeraad ah ku iibsadaan.
Trump ayaa hadalkiisa uu ka jeedinayay telefishinka Fox News ku soo gabagabeeyay isaga oo sheegay inuusan natiijooyinka doorashada u arkin “dhirbaaxo ku dhacday” madaxweynenimadiisa, inkasta oo la saadaalinayo in xisbigiisa uu lumin doono labada aqal ee Congress-ka Mareykanka.
Wuxuu sheegay in Dimuqraadiyiintu ay muddo sannado badan ku taamayeen inay gaaraan guul weyn oo noocan ah, isla markaana ay ugu dambeyn ku guuleysteen.
Trump ayaa hambalyo u diray Dimuqraadiyiinta, isaga oo sheegay inay “shaqo wanaagsan qabteen”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka faa’iideystay fursadda si uu u xuso guulaha uu sheegay in maamulkiisu gaaray labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo dhaqaalaha iyo amniga xuduudda koonfureed ee Mareykanka ku tilmaamay guulihiisa ugu waaweyn.











