RW Rooble iyo Axmed Madoobe oo ka wada qeyb-galay Shirka Golaha wasiirada Jubbaland

8

Ra’iisul Wasaraha  Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta ka qeyb-galay shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Dowlada Jubaland.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay wasiiro iyo xubno ka tirsan wefdiga Ra’iisul wasaaraha.

Shirka golaha wasiiradda ayaa todobaadkaan diirada lagu saaray wadashaqeynta labada gole iyo sidoo kale howlaha horu-tabinta leh ee ka dhaxeeyay xukumadda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbalan.