Dhibaato ka taagan adeegsiga wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar

36

Warar aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhibaato baโ€™an ka taagan tahay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhibaatadan ayaa ka dhalata saameyn ay u gaysteen roobkii daโ€™ay iyo sidoo kale fatahaadihii webiga Shabeelle uu ka gaystay gobolka Shabellada Dhexe.

Wadada aya ah mid gebi ahaanba bur bursan taas oo qarka u saaran in ay goโ€™do, waxaana dhibaato baโ€™an ku qaba dadka shacabka ah ee adeegsada inta badan wadadaasi.

Sidoo kale darawallada gaadiidleyda ah ee wadadadaasi adeegsada aya dhowr jeer oo hore waxa ay cabasho ka muujiyeen arrintan, iyaggoo sheegay lacagta canshuurta ah ay ka qaado dawlada, haddana aysan waxba ka qaban dhibaatada ka haysata isticmaalka wadadaasi.