Kalluumeysato ku dhimatay dabaylo ku dhuftay xeebaha gobolka J/Hoose

16

Inta la xaqiijiyay Sagal ruux oo Kalluumeysato ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen xeenbaha ku teedsan gobolka jubbada Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga ee maamulka Jubbaland Ibraahim Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in meydadka sagaalkan Kalluumeysata ah laga helay xeebta Raas Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose .

Waxa uu sheegay in dhimashadooda ay ka dambeeyaan dabeylo xooggan iyo roob mahiigaan oo saameeyay xeebta Raas Kambooni.

Wasiirka ayaa sheegay in ila iyo hadda ay soo gaareen digniino la xiriira in laga cabsi qabo in dabeylo iyo roob mahiigaan ah uu ka kaco xeebaha dhaca gobolkaasi, isla markaasina uu sheegay faray in shacabku ay isaga fogaadaan deegannada ku teetsan dhanka Xeebaha.