Dawlada Kenya oo dib u bilaabaysa ganacsigii Qaadka ee Soomaaliya

72

Maalinta berri ah aya waxaa lagu wadaa in dawlada Kenya ay markeedii ugu horeysay Qaad keento Soomaaliya, kadib xayiraaddii cudurka Coronavirus dartiis, ay ugu rogtay Soomaaliya .

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay u safaxday Qaadka Soomaaiya, isla markaasina hadda xal loo helay arrimo uu muran ka taagnaa.

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in dawalada Soomaaliya ay ku xirtay kenista Qaadka Keenya ee Soomaaliya Shuruudo ay ka mid yihiin in loo hoggaansamo talooyinka caafimaadka ee dhanka ka hortagga cudurka COVID-19 iyo in sidoo kale la dhimo Lacagta canshuurta Qaadka laga qaadi jiray.

Maalinta berri ah ah ayaa lagu wadaa in diyaaraddaha Qaadku ee Kenya ay ka shaqa bilaabaan Soomaaliya.

Joojinta Qaaka Kenya ee Soomaaliya ayaa waxa ay caqabad ku noqotay ganacsatada Qaadka iyo dawlada Kenya, kuwaas oo sheegay in hoos u dhac dhaqaale uu ku keenay, maadaama Kenya ay si maalinle ah uga faa’idi jirtay ganacsiga Qaadka Soomaaliya lacag ka badan $240,000 oo Dollar.