Taliska Booliiska Jowhar oo saaray amarro la xiriira amniga

10

Taliska Booliska magaalada Jowhar  ayaa diyaariyey  Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay Sugida amniga Magaalada iyo duleedkeeda  inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada booliska ayaa qorshohoodu yahay in amniga Magalada Jowhar  ay xaqiijiyaan Maalmaha Bisha Ramaadaan oo maalmo kooban ay ka harsan tahay.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in ay ka hortagi doonaan weerarada Al-Shabaab ay ka geystay magaalada, iyo dadka ma soomayaasha.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu arkayo iyadoo u furan maqaayad tilaabo laga qaadi doono, islamarkaana sharci la horgeyn doono.