Allaha u naxriistii Abwaan Carabow Maxamed Axmed oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

10

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxriistii Abawaan Carabow Maxamed Axmed oo ka mid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed.

Abwaanka ayaa ku caan baxay barnaamihyada nabadeynta, islamarkaana waxaa uu qeyb ka qaatay dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed, isagoona ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada Wasrfaafinta Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa in abwaan Carabow  lagu aaso magaalada Muqdisho.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed  oo ah guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed oo la hadlay KNN ayaa u xaqiijiyay geerida marxuum Abwaan Carabow.

Abwaan Carabow ayaa lagu xasuustaa curinta heesaha wadaniga, gabayada iyo kuwa kale oo badan.