MW Ismaaciil Cumar oo rajo weyn ka qaba in mar kale guuleysto

5

Waxaa maanta dadka reer Jabuuti ay u dareereen doorashada guud ee waddankaasi, taasi oo ay ku loolamayaan madaxweynaha talada haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo ganacsade Sakariye Ismaaciil.

ilaa 215,000 oo muwaadiniin ah ayaa u diiwaan loo diiwaan geliyay inay ka codeeyaan doorashada, iyagoona ku kala sogan gobolada kala duwan ee dalkaasi.

Goobaha codbixinta doorashada ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan  7 fiidnimo, isla markaasna lagu dhowaaqo natiijadana.

Qaar kamid ah Xisbiyada mucaaradka ay qaaddacay doorashada kaddib markii ay madaxweyne Geelle ku eedeeyeen in uusan diyaar u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977.