Guddoomiye Ku-Xigeenka Aqalka Sare Oo Eedeyn U Jeediyay Farmaajo

4

Guddoomiye ku-xigeenka Koowad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Abshir Bukhaari oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku tumanayo Dastuurka KMG ah ee dalka, uuna wareegto kusoo magacaabay Guddi kamid ah Guddiyada Madaxa bannaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowad ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu tilmaamay in Farmaajo uu magacaabay Guddiga Golaha Adeega Garsoorka isaga oo og in Dastuurku KMG ahi Qod.112aad uu qeexayo habraaca lagu magacaabayo Guddiyada madaxa banaan.

“Farmaajo  oo mar kale ku tumanaya Dastuurkii dalka oo sheeganaya in guddi ka mid ah guddiyada madaxabannaan uu ‘wareegto’ ku soo saaray isaga oo og in Dastuurku KMG ahi Qod.112aad uu qeexayo habraaca lagu magacaabayo guddiyada madaxabanaan. Waa hadoof & sharci daro” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sharci darro ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee 7-da xubnood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka KMG ah ee dalka.