Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday nin dil ka geystay Buurhakaba

8

Qeybta 60-aad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Geedow Maxamed Fiidow oo ah askari ka tirsanaa ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo horay u dilay qof shacab ah.

Dilka loo heysto askarigan ayaa ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxayna Maxkamadda shaacisay in lagu helay in dilkaas uu si bareer  ah ugu geystay marxuum Mursal Cali Cadi oo ahaa wade gaari Homey ah.

Sidoo kale askarigan ayaa markii uu dilay Mursal Cali waxa uu dhaawac u geystay Nuur Maxamed Maadey, kaas oo xabadu ay uga dhacday Isha, isla markaana illaa hadda lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Xukumka Maxkamadda ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, qeybteeda 60-aad G/Sare Aadan Abuukar Maxamed, waxuuna sheegay in Geedow Maxamed Fiidow lagu xukumay dil toogasho ah oo ah khisaasta Mursal Cali.