DF, Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray geeridii Senator Yuusuf Xaaji

10

Qoraallo ka soo kala baxay xafiisyada madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo kan ra’iisul wasaare Rooble ayaa looga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Senator Yuusuf Xaaji ka tirsanaa golaha Aqalka Sare ee dowladda Kenya, kaas oo ka mid ahaa kuwooda ugu sareeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku jira dowladda Kenya.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Waxa uu madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.”

Sidoo kale qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida  ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka  Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin.”

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyadeysay geerida Senatorka ayaa yiri, “Waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo eheladadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay Senatar, Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaanada dalka Kenya, marxuumku waxuu ahaa Oday Soomaaliyeed iyo siyaasi rug caddaa ah oo saamayn iyo qiima weyn ku lahaa geyiga Soomaaliyeed iyo guud ahaa geeska Afrika, waxaan Alle ugu baryaa inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelada uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

Senatorka Yuusuf Xaaji ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Kenya, waxuuna mar soo ahaa wasiirkii difaaca dalkaas, waxuuna waayihii dambe hoggaaminayay guddi loo saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel lagu sameeyo dastuurka Kenya.