DFS oo Muqdisho ka furtay xarun cusub oo lagu karantiilayo dadka qaba Covid 19

16

Ku simaha xilka R/Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed( khadar) ayaa maanta waxaa uu xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu karantiili doono dadka qaba xanuunka Covid-19 Xili la shaaciyey inuu hoos u dhacay xanuunkaasi guud ahaan dalka.

Xarunta cusub ee karantiilka ayaa waxaa ay ku taala Isbitaalka banaadir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada xariga laga jarayay ayaa waxaa ka sugnaa wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur, waxaa ayna sheegtay in xaruntan ay wax weyn ka qaadanayso goobaha lagu karantiilo dadka qaba xanuunka Covid 19.

Ugu dambeyn Ku simaha R/wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna la hadlay warbaahinta, waxaa  uuna u mahadceliyay shacabka door fiican ka qaatay hergelinta xaruntan cusub ee lagu karantiilayo dadka laga helay Covid 19.