Somaliland oo Turkiga kala hadleysa sababta meesha laga saaray ergaygii Turkiga u qaabilsanaa wadahalada DFS iyo Somaliland.

9

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi uu  Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u diray dalka Turkiga.

Wasiir Faratoon oo dhawaan gaaray Waddanka Turkiga ayaa lagu wadaa  inuu kulamo la qaato masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga, waxaana la filayaa inay Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay Jabuuti marti-gelisay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan  in dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Warar muddooyinkii u dambeeyay ay Warbaahintu baahiyeen, kaasi oo sheegayay in Masar doonayso in Saldhig Millateri laga siiyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in Masar iyo Turkigu ay si weyn isku khilaafsan yihiin Arrimaha dalka Liibiya.

Socdaalkan Wasiir Faratoon ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay muuqato in isbeddellada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Gobolka iyo Nawaaxigiisu ay saamaysay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland.