Golaha wasiirrada oo ansixiyey guddiga farsamada DF iyo D/goboleedyada ee doorashada

13

Kulankii maanta ee golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer federaal iyo heer dawlad goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Qodobka 5-aad ee war-murtiyeedka shirkii Dhuusamareeb-2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedyada min laba uga imaanaya.

Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si deg deg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka dalka.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb, kaas oo lagu dhammeys-tirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.