Safiirka Ingiriiska iyo Muuse Biixi oo ka wada hadlay arrimaha doorashada

22

Safiirka Britain ee Soomaaliya Ben Fender ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xilli uu booqasho ku tegay halkaas.

Waxay ka wadahadleen arrimaha doorashada iyo mashaariicda horumarineed ee Ingiriiska ka fuliyo Somaliland.

โ€œKulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo goโ€™aanka u danbeeya iska lehโ€ ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.