Guddoomiye Degmo Oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

6

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax dhowr daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee Gobolka, kaasi oo jugtiisa la maqlay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa ka dhacay inta u dheexeysa jiiro Altoobba iyo Shakta, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Askar ilaalo u ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa kadib ay rasaas badan fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka, waxaana qaraxaas ka badbaaday Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Cariif.

Ciidanka Booliska ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas, waxaana qaraxa ku dhaawacmay Askar la socotay Guddoomiyaha.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaas ka dhacay gudaha degmadaas, iyadoona qaraxa dhacay uu kusoo aadayo xili qarax shalay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Garasbaaleey.