Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegaya magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, xilli ay ciidamada Uganda bilaabeen ka bixitaanka Soomaaliya, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Kampala ayaa hore ugu baaqday Xasan Sheekh inuu heshiis siyaasadeed la gaaro mucaaradka iyo maamul-goboleedyada ay isku aragtida duwan yihiin, si loo soo afjaro ismari-waaga taagan.
Arrintan ayaa hore u dhalisay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Shir ay yeesheen dalalkaas ayaa lagu soo jeediyay in Xasan Sheekh uu wada-hadal la furo mucaaradka, isla markaana xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ka horyimid in qodobkaasi lagu daro war-murtiyeedkii shirka.
Xasan Sheekh ayaa xilligaas ku adkeystay in khilaafka siyaasadeed uu yahay arrin u taalla Soomaalida, isla markaana ay tahay in gudaha dalka lagu xalliyo, taas oo muujisay kala aragti duwanaanshaha dowladda iyo dalalka taageera howlgalka amniga Soomaaliya.
Wadahadallo uu madaxweynuhu qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacaan 14-kii bishan ayaa ugu dambeyn baaqday, kaddib markii mucaaradku ay muujiyeen kalsooni darro ku aaddan sida uu madaxweynuhu u wajahayo wadaxaajoodka. Mucaaradka ayaa shaki ka muujiyay in wada-hadalladu ku qabsoomi karaan jawi horseedi kara heshiis siyaasadeed.
Uganda ayaa hadda wada dadaallo ay doonayso inay magaalada Kampala isugu keento Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyadoo la filayo in kulankaasi ay goobjoog ka noqdaan mas’uuliyiin ka socda dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.
Hase yeeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sabtidii si cad u sheegay inuusan aqbali doonin in mucaaradka lagula kulmo shir ka dhacaya meel ka baxsan dalka. Waxa uu ku adkeystay in wadaxaajoodyadu ka dhacaan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay mucaaradka ku qaabbisho xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan in halkaas lagu wada hadlo.











