Bannaabax ka dhacay Gaalkacyo

13

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in bartamaha magaaladaasi uu ka billaawday, banaanbax loogasoo horjeedo Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Hooyooyin fara badan oo wiilashooda tababar loogu qaaday eritareeya ayaa iskugu so baxay jidadka waa-weyn ee Gaalkacyo ka dib markii lasoo wariyay warar sheegaya in qaar ka mid ah wiilashii tababarka loo qaaday ay ku dhinteen dagaalkii Dowladda Itoobiya Iyo Jabhadda Tigreega.

Hooyooyinka isku soo baxay ayaa Dalbanaya cadaalad iyo in carruurtoodii nolol ama geeri mid loogu sheego, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne farmaajo iyo mas’uuliyiinta Galmudug in ay qaadayaan Masuuliyadda Dhib kasta oo soo gaara Wiilashooda Tababarka loogu qaaday eritareeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedaha ah in Askar Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiyo iyo xoogaga TPLF.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa rasaas ku kala eryay bannnaanbaxayaasha.