UK oo war ka soo saartay tababar ay siisay qaar ka mid ah ciidamada dhulka Soomaaliya

14

Ciidamada Dowladda Ingiriiska ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ee ciidamada dhulka ee Soomaaliya, kadib markii xaflada qalin jebin ah saraakiishan loogu qabtay magaalada Baydhaba 31-kii bishii December, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Britain.

“Ciidamada Britain ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ciidamada lugta ee Soomaaliya, kuwaas oo siiyay xirfado ay kula dagaallamaan kooxaha hubeysan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida dalka” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda UK.

Warka Ingiriiska ayaa intaas ku sii daray, “Kooxdii ugu dambeysay ee ka tirsan cutubkan oo gaareysa 113 oo askari ayaa tababarkan dhameystay, kadib munaasabad lagu qabtay Baydhaba 31-kii bishii December.”

Ingiriiska wuxuu kharash ku bixinayay xarunta tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya oo sanadkii 2019-kii laga hirgeliyay magaalada Baydhaba, waxaana xaruntaas lagu tababarayay ciidamada dowladda