Howlgallo culus oo maanta ka socda Balambal iyo tuulooyinka hoos taga

17

egmada Balambal ee waqooyiga gobolka Galgaduud iyo deegano badan  oo hoos taga waxaa maanta ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada militrega Soomalaiya

Howgaladaas ayaa la sheegay in lagu baadi goobaayo maleeshiyaad hubeysan oo dhawaan dad shacab ah ku dilay deegaanka Xirsi-Lugey oo 7-KM  u jira magaalada Balambal.

Ciidamada oo  wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkacayaa gudaha Balambal iyo dhowr tuulo oo hoos taga.

Madaxda sare ee Galmudug ayaa dhawaan amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo maleeshiyaadkii dhaawan dadka shacabka ku laayey deeganka Xirsi-Lugey.

Weerarkaas oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay waxaa lagu dilay shan qof oo shacab ah, halka lagu dhaawacay labo kale, waxaana fuliyey maleeshiyaad u abaabulnaa qaab qabiil.