Ciidamo ka tirsan Galmudug oo xiray Isku-socodka magaalooyinka Galinsoor iyo Gaalkacyo

21

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo maalintii shalay sameeyay gadood mushaar la’aan uga cabanayaan, ayaa maalintii labbaad waxaa u xiran wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galinsoor.

Sarkaal u hadlay ciidamadan ayaa sheegay in aysan furi doonin wadada ‘illaa inta ay ka helayaan xaqa ay ku leeyihiin dowlad goboleedka Galmudug’.

Ciidamdan ayaa tababar ugu xareysan xiro ku taal deegaanka Gaaska-dhaanka roone, waxaana ay sheegeen in muddo sideed bilood ah aysan helin mushaarkoodii.

Sida wararka aan ku helayno waxaa magaalada Galinsoor ku xayiran sida gaadiid farabadan oo safar u ahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheeegay in magaaladu ay isku cakiran tahay, maaddaama gadiid u badan kuwo ganacsi ay ku xayiran yihiin.

Wasaaradda Aminiga dowlad goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee hoosta taga.

25-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ayaa sidaan oo kale waxaa Gadood sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan wallow markii dambe la xaliyay.