Al-Shabaab oo dad shacab ah ku rasaaseeyay Gedo.

24

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  khasaaraha ka dhashay weerar rag ka tirsan Al- shabaab ay ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo xiligaasi marayay  duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gaarigaan oo ka baxay Degmada Luuq ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday magaalada xarunta u ah gobolka Gedo ee Garbahaaray.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay rasaasta la geeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

lama oga sababta ka dambeysay weerarka ay Al-Shabaab ay ku qaadeen gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan  khasaaraha ka dhashay weerarka ay Al-Shabaab la beegsadeen dadka shacabka ah.