Mahdi Guuleed oo raali gelin ka bixiyay hadal uu dhawaan ku taageeray Madaxweyne Farmaajo

4

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkii dhowaan uu ka sheegay Tiyaatarka Qaranka ee ahaa in doorashada soo socota in Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleysan doono wareegga koowaad, sida ka dhacday qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada.

“Waxaan rabaa inaan shirweynahan uga faa’ideysto hadal aan maalin hore ee ahaa wareega koowaad lagu kala baxayo, waxaan ka bixinayaa xaal iyo raalli gelin, garoonka waa noo furan yahay”

Murashixiinta mucaaradka ayaa hadalkaan ku sifeeyay mid ka turjumaya in dowladda qorshaheedu yahay in ay doorashada musuq maasuqdo islamarkaana hadalka mahdi Guuleed uu tusaale cad u yahay sida dowladdu damacsan tahay.