Cali Guudlaawe oo wadahadal u furay beelo ku dagaalamay shabeellada dhexe.

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Jowhar ka furay  Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo maalmo ka hor ku dagaalamay deegaanka Burdheere ee Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo Aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta iyo soo afjarida colaadaan dabadheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa colaada, islamarkaana looga hortagi doono waxkasto oo keeni kara dagaal beeleedyada, isagoona sheegay in shirkan uu socon doono ilaa iyo xal waara laga gaaro.

Hadalka madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku soo aadaya xili qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaasi ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, iyadoona dad badan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.