Wafuud ka kala socota DF iyo mucaaradka oo maanta gaaray Garowe

26

Waxaa maanta magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland gaaray wafuud ay kala hoggaaminayeen guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mural Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale xubno ka socday golaha midowga musharaxiinta ayaa maanta gaaray Garowe, kuwaas oo dood ku aadan arrimaha doorashada uga qeyb gelaya magaalada Garowe.

Wafuudaas waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inta ay ku suganyihiin Garowe inay ka qeyb-geli doonaan dood uu qabanyo Machadka Heritage, taas oo Garowe lagu qabayo 29-ka bishan December.