Hoos ka dhageyso Barnaamijka SAMAWADE ,Mowduuca 2aad ee Radio Markabley Baardheere.

34

Kulanti wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka sama wade ee radio markabley,Waa habeenimo jimco ah,Sabti ay soo galeyso,saacaduna waa 9.30 fiidnimo.

Barnaamijka sama wade caawa waxaan ku soo qaadanaynaa.

Maleeshiyada Shabaab waxeey si maalinle ah Lacago baad ah uga qaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed si xoog ah iyadoo aanay jirin wax adeeg ah oo ay siinayaan sida Caafimaad, waxbarasho, Nadaafad ama wadooyin, hadaba, maxeeey Shareecada islaamku ka qabtaa lacagahaas baadda ah ?

Barnaamiujka sama wade caawa waxaa marti ku ah

1=Gudoomiyaha maxkamada degmada Baardheere sh ibraahin daahir shacbaan.
2=Gudoomiyaha fanka iyo suugaanta Gobalka Gedo maxamed axmed maxamed,

Barnaamijka waxaad si toos ah ugala socotaan radio markabley FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so iyo Radio Markabley.com
Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay.

0613880535, sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so

Barnaamijka waxaa caawa idin la socodsiinayo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe dhanka farsamada waa khaddar maxmaed siraad. Barnaamijka caawa waxaa soo saaray MAXAMED DEEQ CABDI CALI ALFA
waa mar kale iyo barnaamijkii sama wade ee radio markabley