Banaanbaxyo rabshado watay oo maanta hareeyey Garowe

51

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo rabshado watay, kadib markii shacab careysan oo ka cabanaya sicir-barar ay isugu soo baxeen jidadka waaweyn ee magaalada.

Shacabka sheegay inay ka mudaharaadayaan sicir-barar ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga ah, taas oo qiimo la’aan ka noqotay deegaanada Puntland.

Waxaa la burburiyey boorarkii Madaxweyne Saciid Deni ee ku dheganaa wadooyinka Garowe, sidoo kale laamiga magaalada ayaa lagu dhex gubay taagyarro, iyadoo meelaha qaar la tuuryey gaadiidka iyo meheradaha ganacsiga magaalada.

Ganacsatada waaweyne ee magaalada Garowe ayaa diiday inay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga ah oo dadku ay wax ku iibsadaan, waxaana ka dhashay sicir-bararkii ugu xumaa, kaas oo soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, saameyn xoog lehna ku yeeshay dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada Puntland.