Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahdo khatar sii kordheysa oo ka dhalan karta roobabka la xiriira ifafaalaha El Niño, iyadoo la filayo in xilliga roobabka ee u dhexeeya bilaha Oktoobar iyo Diseembar uu keeno fatahaado baahsan.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeen diyaar-garowga, iyagoo kaashanaya qorshayaal degdeg ah, qiimeyn khataro iyo isku-duwid heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo yareeyo saameynta fatahaadaha la filayo.
Qaramada Midoobay waxay xustay in casharradii laga bartay sanadkii 2023 – markaas oo fatahaado iyo abaaro is biirsaday ay barakiciyeen ku dhowaad 2.3 milyan oo qof – ay horseedeen in la dardargeliyo qorsheyaasha gurmadka.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Soomaaliya ay weli la tacaaleyso abaaro soo noqnoqday, fatahaado, colaado iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadannimo.
Qiyaastii 6.5 milyan oo qof, oo u dhiganta ku dhowaad saddex meelood meel shacabka Soomaaliya, ayaa wajahaya cunto yari ba’an, halka deegaanno ka tirsan koonfurta dalka ay weli halis ugu jiraan macluul. Sidoo kale, ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah ayaa la ildaran nafaqo-darro ba’an, kuwaas oo ku dhowaad 500,000 ay qabaan nafaqo-darro aad u daran.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gargaarka bani’aadannimo uu weli yahay tiirka ugu muhiimsan ee ay malaayiin qof ku nool yihiin, balse maalgelin la’aantu ay ku qasabtay hay’adaha samafalka inay yareeyaan adeegyo badan oo naf-badbaadin ah.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in Qorshaha Jawaabta Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026, oo qiimihiisu yahay 852 milyan oo doolar, uu helay oo keliya ku dhowaad saddex meelood meel dhaqaalihii loo baahnaa, inkastoo in ka badan nuskii sannadka uu dhammaaday.
Waxaa kale oo warbixintu xustay in saameynta dadban ee colaadaha Bariga Dhexe ay sare u qaaday qiimaha cunnada gudaha Soomaaliya, iyadoo qiimayaasha qaar ay kor u kaceen ilaa 20 boqolkiiba.











