Puntland ayaa si buuxda ula wareegtay xaruntii iyo taliskii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, maalin kadib markii ay sidoo kale la wareegtay xaruntii PSF ee magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in xarunta Boosaaso ay hadda si buuxda ugu jirto gacanta dowladda, isla markaana la xaqiijiyey amnigeeda.
Puntland ayaa ku eedeysay kooxihii halkaas ku sugnaa inay ahaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekaysiiyey ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu aqoon jiray PSF.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in la wareegista xarunta Boosaaso ay daba socoto hawlgal amni oo Arbacadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.
La wareegista xarumaha PSF ayaa soo afjaraysa jiritaankii ciidankaas ee gudaha Puntland, kaddib iska horimaadyo dhowr jeer dhex maray ciidamada PSF iyo kuwa maamulka Madaxweyne Deni tan iyo sanadkii 2021.
Isku dayo hore oo lagu doonayay in ciidamadaas lagu kala diro ama lagu hoos geeyo hay’adaha amniga Puntland ayaan mira dhalin, hase yeeshee hawlgalladii ugu dambeeyey ayaa horseeday in Puntland la wareegto saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Arbacadii amar ku siiyey saraakiisha iyo ciidamada ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan saldhigyada gudaha Puntland inay si degdeg ah ugu soo wareejiyaan hubkooda iyo xarumahooda maamulka Puntland.











