Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay weli ka go’an tahay in khilaaf ka dhexeeya Maamulka Waqooyi Bari lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo wadahadal, iyadoo sidoo kalena muujisay inay taageersan tahay in arrinta maxaabiista lagu dhammeeyo is-weydaarsi iyo wada shaqayn dhex marta labada dhinac.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in siyaasadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay tahay in xal nabadeed loo raadiyo xaaladda gobolka Sool iyo cabashooyinka jira sida uu hadalka u dhigay.
“Siyaasadda Madaxweynaha Somaliland waa in arrinta gobolka Sool lagu wajaho hab nabadeed iyo wada hadal, isla markaana xal loo raadiyo wixii tabasho ah ee jira. Arrinta maxaabiistuna waa arrin u taalla xukuumadda, siyaasadduna waa mid cad,” ayuu yidhi Wasiir Batuun.
Wasiirku waxa uu sidoo kale beeniyay warar bulshada dhexdeeda ku faafay oo sheegayay in Somaliland sii daysay qaar ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ee 2023, isaga oo sheegay in aanay jirin maxaabiis la wareejiyay ama la sii daayay.
“Waxa aanu u sheegaynaa shacabka Somaliland inay dhegaha ka furaystaan hadallada ka imanaya dadka aan Somaliland wanaageeda jeclayn, isla markaana aanay dheg u dhigin wax kasta oo wax u dhimaya wadajirka Somaliland,” ayuu raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafintu kamuu hadal tallaabada cusub ee maamulka Waqooyi Bari uu ku sheegay inuu maxkamadeyn doono maxaabiista Somaliland ee uu gacanta ku hayo.
Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa hore isku waydaaarsaday qaar kamid ah maxaabiista ay kala haystaan, lakiin wali maxaabiis askar u badan ayaa ka buuxda jeelasha labada dhinac.











