Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu beegsaday Sacuudiga

2

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo ku tilmaantay weerarradaas kuwo halis gelinaya amniga shacabka iyo xasilloonida gobolka.

Qoraal ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, oo ay ku tilmaantay dal walaal ah iyo saaxiib muhiim u ah gobolka. Dowladda ayaa sidoo kale taageertay tallaabooyinka ay Boqortooyadu qaaday si ay u ilaaliso amnigeeda, madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed.

Soomaaliya waxay sheegtay in amniga Sacuudi Carabiya uu door muhiim ah ku leeyahay xasilloonida gobolka iyo badqabka isu socodka maraakiibta ee Badda Cas, oo ah marin ganacsi oo istaraatiiji ah.

Dowladdu waxay ku baaqday in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo diblomaasiyad, iyadoo dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday is-xakameyn si looga hortago xaaladda oo sii xumaata.

Gabagabadii, Soomaaliya waxay sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta dalalka gobolka iyo beesha caalamka si loo ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo bayaan ku sheegay inay bartilmaameedsadeen kaabayaasha lagu daabulo saliidda ceyriinka ah ee Sacuudi Carabiya.

Ilaa hadda ma cadda in weerarka lagu qaaday kaabayaasha shidaalka iyo dhacdooyinka kale ee la soo wariyay ay ahaayeen kuwo isku xiran oo hal qorshe ka wada tirsan, ama ay si gooni-gooni ah u dhaceen.