Golaha Mustaqbalka oo ku baaqay dhismaha Gole KMG ah, kuna xiray taageerada AUSSOM heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa warqad furan u diray madaxda dowladaha ciidamada iyo booliiska ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo ku baaqay in taageerada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.

Warqadda oo ku taariikhaysan 27-ka Luulyo 2026, ayaa loo diray madaxda Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar, waxaana nuqullo ka mid ah loo gudbiyay Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Turkiga.

Golaha Mustaqbalka ayaa warqadda ku sheegay in Soomaaliya ay wajahaysa qalalaase siyaasadeed oo salka ku haya muranka sharciyadda hay’adaha dowladda, iyagoo ku dooday in muddo-xileedyada Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhammaadeen intii u dhexeysay bilihii April iyo May 2026.

Goluhu wuxuu sheegay in guusha amni ee Soomaaliya aysan ku filnaan doonin howlgal militari oo keliya, balse ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo dib u soo celiya kalsoonida hay’adaha dowladda iyo wadajirka qaranka.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in la dhiso Gole Kumeel-gaar ah (Transitional Council) oo loo dhan yahay, kaas oo maamula marxaladda kala-guurka, dib u soo celiya sharciyadda hay’adaha dowladda, hagana dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyaddoodu la wada aqoonsan yahay.

Warqaddu waxay sidoo kale ugu baaqday waddamada taageera AUSSOM inay shirarka soo socda ku dhiirrigeliyaan xal siyaasadeed oo ay Soomaalidu leedahay, iyagoo ku adkeystay in heshiiska siyaasadeed uu noqdo saldhigga lagu sii wado taageerada amniga ee Soomaaliya.