Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, kadib markii la sheegay in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Bukhaari, laga hor istaagay inuu galo Kenya, islamarkaana dib loogu celiyay Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha socdaalka Kenya ay su’aalo ka keeneen baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay wasiirka.
Dhacdadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal ee deriska ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe wajahaya khilaafaadyo soo noqnoqday oo saameeyay xiriirkooda siyaasadeed.
Sida aan kasoo xiganay warbaahinta caalamiga ah ee DW, wasiir Bukhaari ayaa lagu hakiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ka hor inta aan lagu amrin inuu dib ugu laabto Muqdisho. Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta dhabta ah ee go’aankaas.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar bil kadib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, loo diiday inuu galo Kenya, iyadoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ku helay baasaboor Kenyan ah.
Ilaa iyo hadda, dowladaha Soomaaliya iyo Kenya midkoodna si rasmi ah ugama hadlin wararka ku saabsan in Bukhaari loo diiday gelitaanka Kenya ama in safiirka Kenya loo yeertay si wax looga weydiiyo dhacdada.
Haddii wararkan la xaqiijiyo, waxay noqonayaan dhacdadii labaad muddo bil gudaheed ah oo mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya loogu diido gelitaanka Kenya, arrintaas oo sare u qaadi karta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada waddan.











