Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ka mid ahaa hal-abuurkii ugu caansanaa ee Soomaalida, kana tagay dhaxal suugaaneed muddo dheer lagu xusuusan doono.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Sool sannadkii 1948. Waxbarashadiisa Qur’aanka iyo tan aasaasiga ah ayuu ka bilaabay magaalada Burco, isagoo markii dambe u jeestay hal-abuurka suugaanta, halkaas oo uu ka noqday magacyada ugu waa wayn fahaarayaasha fanka Soomaaliyeed.
Tarabi wuxuu curiyey heeso badan oo caan noqday, kuwaas oo ay qaadeen fannaaniin waaweyn oo Soomaaliyeed. Heesihiisa waxaa ka mid ahaa Goor iyo Ayaan, Bal Dawooy, Gacan Saydh, Yufloo, iyo Dar Allaad u Hurudaa, kuwaas oo maanta baal dahab ah kaga jira sooyaalka fanka Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu qoray riwaayaddo ay ugu magac dheertahay Ma Ogtahay, oo ay ka qayb qaateen jilayaal iyo fannaaniin caan ahaa.
Tarabi wuxuu ka mid ahaa abwaannadii hormuudka ka ahaa silsiladdii suugaaneed ee Deelley, taas oo lagu soo bandhigayay dhaliilihii loo jeedin jiray dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska Somaliland.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Aadan Tarabi uu ahaa abwaan hibadiisa iyo hal-abuurkiisa ugu adeegay bulshada, isla markaana raad muuqda ku reebay suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka. Wuxuu Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Geerida Alle ha u naxariistee Abwaan Aadan Tarabi Jaamac ayaa murugo ku noqotay bahda suugaanta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu xasuusan doono kaalintii uu ka qaatay kobcinta fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.











