Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, iyagoo soo saaray jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashada.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib-u-dhigista la gaaray kaddib markii la qiimeeyay heerka diyaar-garowga howlaha doorashada, lana tixgeliyay codsiyo ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadda si loogu helo waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan diyaar-garowgooda.
Sida jadwalka cusub, qabashada codsiyada musharraxiinta ayaa la sii wadi doonaa illaa 25-ka Luulyo 2026, halka doorashada loo asteeyay inay qabsoonto 30-ka Luulyo 2026.
Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda iyo dhinacyada ay khusayso geeddi-socodka doorashada inay ka faa’iidaystaan muddada dheeriga ah si loo xaqiijiyo doorasho ku dhacda si xor, xalaal ah oo waafaqsan sharciga.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in guddigu sii wadi doono wada-shaqeynta daneeyayaasha kala duwan si loo dhammeystiro diyaar-garowga loona xaqiijiyo qabsoomidda doorashada Galmudug.











