Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sheegay inay hawlgal amni oo qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Laag ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sheegeen inay ku soo afjareen koox hubaysan oo ay ku eedeeyeen inay muddooyinkii u dambeeyay ka waday deegaannada Puntland falal amni-darro iyo qalqal-gelin.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in kooxdan lagu tuhunsanaa inay carqaladaynaysay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland, isla markaana hawlgalku qayb ka yahay dadaallada lagu sugayo ammaanka Puntland.
Ciidamada ayaa sheegay in intii uu socday hawlgalku ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah. Waxa ay sidoo kale sheegeen in hawlgallo lagu baadi-goobayo xubno ka tirsan kooxda oo firxaday ay weli socdaan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Puntland.
Ma jiro war madax-bannaan oo si degdeg ah u xaqiijinaya sheegashada ciidamada Puntland ee ku saabsan khasaaraha ama natiijada hawlgalkan.
Hase ahaatee, illaa shalay ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ayaa xiisad ku dhexmaraysay gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Laag, halkaas oo la sheegay in ciidanka Puntland ay jidka u galeen ciidamo PSF ah oo ka yimid Boosaaso oo doonayay inay ka gudbaan waddada Laag oo Boosaaso u jirta 30km.
Warar xaqiiqo ah oo aan saakay helnay ayaa sheegaya in ciidanka PSF laga qabsaday gaadiid dagaal, sidoo kale hal askari oo ciidankooda kamid ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay.
Xiisaddan ayaa saamayn ku yeelatay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, halkaas oo ay joogaan ciidamo ka tirsan PSF.











