Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay xannibaado ku soo rogtay isaga iyo taageerayaashiisa, isagoo sheegay in laga jaray adeegyada aasaasiga ah isla markaana la hor istaagay dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa sheegay in korontada, biyaha iyo raashinka laga joojiyay xarunta uu ku sugnaa, sidoo kalena la diiday in dadku u soo galaan.
“Waxaa nagala gooyay korontadii, waxaa nagala gooyay biyihii, waxaa naloo diiday raashinka, waxaana naloo diiday dadka noo imanaya inay noo soo galaan. Waxyaabahaas oo dhan waxay ka soo horjeedaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiga ah,” ayuu yiri.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka hadlay muranka la xiriira doorashooyinka dalka, isagoo sheegay in aan la aqbali karin doorasho uu maamulku keligiis maamulo ama ku shubto natiijadeeda.
“Doorasho la boobo ama nidaamka jooga uu isagu isu sameysto ma jiri karto. Doorasho heshiis lagu yahay oo xalaal ah ayaa dalka lagu hoggaamin karaa,” ayuu sheegay.
Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda inay ciidamo u adeegsatay cabburinta mucaaradka iyo hor istaagga mudaharaadyo la qorsheeyay, kuwaas oo uu sheegay inay ku saabsanaayeen arrimo siyaasadeed iyo xaaladaha dadka la barakiciyay.
Wuxuu sheegay in ciidamadii loogu talagalay difaaca dalka iyo sugidda amniga loo adeegsaday cadaadis lagu saarayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
“Anagu cadawga dalka ma nihin, Waxaan nahay dad ka qayb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, In xabad nagula soo rido ama nala cabburiyo waa arrin ka fog akhlaaqda iyo dowladnimada,” ayuu yiri.
Sheekh Shariif ayaa masuuliyadda dhacdooyinkii ugu dambeeyay dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo tallaabooyinka lagu xannibay dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.











