Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta.
Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed, iyadoo Madaxtooyadu sheegtay inuu leeyahay waayo-aragnimo iyo aqoon la xiriirta arrimaha dowlad-dhiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay lataliyaha cusub khibraddiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay adeegga dalka, isaga oo muujiyay kalsooni ku aaddan gudashada waajibaadka loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay Salaad Cali Jeelle inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadda cusub, isaga oo kula dardaarmay inuu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.
Salaad ayaa dhowaanahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana uu soo baneeyay xilka Safiirka Jabuuti ee Soomaliya u haayay.











