Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka digtay weerar lagu qaado Guriga Janaraal Odowaa

0

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay waxa ay ku tilmaantay qorshayaal amni oo laga yaabo inay sii kordhiyaan xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan caasimadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowladda ay damacsan yihiin inay beegsadaan hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

War-saxaafadeed ay Madashu soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamo uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), oo ay taageerayaan xubno ka tirsan hay’adaha amniga, ay wadaan qorshe lagu weerarayo hoyga Janaraal Odowaa ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale, Madashu waxay ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qorsheynayo beegsiga hanti ganacsi iyo hoteello gaar loo leeyahay, eedeymo aan jirin xaqiijin madax-bannaan oo laga helay dhinacyada ay khuseyso.

Madashu waxay sidoo kale cambaareysay dhacdo ay sheegtay in ciidamo hubeysan ay ku galeen hoyga Sheekh Cabdulqaadir Soomow, iyadoo ku tilmaantay tallaabo sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhinaca ay Madashu ku tilmaantay “talis muddo-xileedkiisu dhammaaday” uu ka baxay heshiisyo hore loogu gaaray dejinta xaaladda iyo xabbad-joojinta, isla markaana uu qaaday tallaabooyin kordhinaya kala shaki iyo iska horimaad siyaasadeed.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqday ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana fogaadaan in loo adeegsado dano siyaasadeed, iyadoo ka digtay in xaaladdu u horseedi karto dalka marxalad cusub oo xasillooni darro ah haddii aan la xakameyn.