Ciidamada Pakistan oo Dilay 13 Dagaalyahan ka dib Hawlgallo ka Dhacay Xadka Afghanistan

2

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay inay dileen 13 dagaalyahan kadib laba howlgal oo kala duwan oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee dalka, meel u dhow xadka ay la wadaagaan Afghanistan.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga, siddeed dagaalyahan ayaa lagu dilay degmada Mohmand ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kadib markii ciidamada ammaanku ay ogaadeen koox isku dayaysay inay ka soo gudubto xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.

Dhanka kale, shan dagaalyahan oo kale ayaa lagu dilay degmada Waqooyiga Waziristan, iyagoo sidoo kale isku dayayay inay ka gudbaan isla xadka.

Milatariga Pakistan ayaa sheegay in howlgaladan ay muujinayaan walaaca joogtada ah ee Islamabad ka qabto sida maamulka Taliban ee Afghanistan u maareeyo ammaanka xuduudaha. Waxay ku booriyeen Kabul inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah si looga hortago in dhulka Afghanistan loo adeegsado weerarro ka dhan ah Pakistan.

Ilaa hadda, wax jawaab ah kama soo bixin dowladda Afghanistan oo ku aaddan eedeymahan.

Pakistan ayaa sanadihii u dambeeyay la tacaaleysay koror ku yimid weerarada ay geysanayaan kooxaha mintidiinta, kuwaas oo ay Islamabad ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin Tehreek-e-Taliban Pakistan, oo la rumeysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin gudaha Afghanistan arrin ay Kabul si cad u beenisay.

Xaaladda amni ee xadka Pakistan iyo Afghanistan ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyaan mas’uuliyadda amni darrada ka jirta gobolka.