Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si cad uga horyimid tallaabo uu shalay qaaday Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo xilka uga qaaday guddoomiyeyaasha degmooyinka Deyniile, Shangaani, iyo Gubadley.
Guddigu waxa uu xusay in, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka, golayaasha deegaanka ay leeyihiin awood ay ku doortaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ku-xigeenadooda, halka maamullada hadda jira lagu tilmaamay kuwo ku-meel-gaar ah oo shaqadoodu ku egtahay sugidda kala-guurka.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu carabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo maamul oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka ay tahay mid aan sharciyad lahayn, isla markaana aan waxba ka beddeli karin nidaamka dhismaha maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono ilaalinta Ku dhaqanka Dastuurka iyo sharciga, Hufnaanta nidaamka doorashooyinka iyo Ilaalinta kalsoonida muwaadiniinta codbixiyayaasha ah.









