Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah looga guuro dhulka ay leedahay Jaamacadda Soomaaliya oo ay deggen yihiin dad shacab ah.
Amarkan ayaa la soo saaray xilli uu wasiirku ka hadlayay munaasabad lagu dhagax dhigayay mashruuca casriyeynta jaamacadda, gaar ahaan xarunta Gaheyr, halkaas oo uu ku adkeeyay in dhulku yahay hanti qaran oo loogu talagalay horumarinta dalka iyo adeegga bulshada.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulka jaamacadda uu yahay mid dowladeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dadka ku sugan ay si degdeg ah uga baxaan si loo bilaabo dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha waxbarasho.
Dhankiisa, guddoomiyaha jaamacadda, Mohamed Mahmoud, ayaa soo dhoweeyay bilaabista mashruuca dib u dhiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo sumcadda iyo shaqadii jaamacadda.
Si kastaba ha ahaatee, 29-kii bishii Janaayo ee sannadkan, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay digniin sharci oo ku saabsan burburin ka socota dhulkeeda ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.











