Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah looga sagootiyay Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade kuwaas oo u amba baxay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.
Munaasabadda sagootinta waxaa daahfuray Wasiirka Diinta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow, kaas oo si rasmi ah u furay duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ka qaaday dalka.
Sida Wasaaradda ay xustay, guud ahaan xujeyda maanta dhoofay ayaa gaarayay 432 xaaji, kuwaas oo ka kala duulay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in sanadkan xal loo helay dhibaatooyin badan oo horay u heystay xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in horumar laga sameeyay habraacyadii adeegyada loo fidin jiray dadka xajka aadaya.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in isbeddel lagu sameeyay nidaamka gowraca xoolaha Udxiyadda, iyadoo shirkad gaar ah ay u xilsaartay howlahaas Dowladda Sacuudiga, halka sidoo kale la fududeeyay gaadiidkii basaska ee xujeyda lagu qaadi jiray.
Wasiirka ayaa sheegay in lacagihii la xiriiray adeegyada Masaarka sanadkan si toos ah loo maamulayo, isla markaana ay qaadeyso dowladda Sacuudiga.
Duulimaadyadan ugu horreeya ayaa qeyb ka ah howlaha sanadkan loogu daadgureynayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku wajahan goobaha barakeysan Ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.











