Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga SDG6 ee madasha African Regional Forum on Sustainable Development 12th session (ARFSD12), isagoo diiradda saaray saameynta isbeddelka cimilada iyo helitaanka biyo nadiif ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in caqabadaha sida isbeddelka cimilada, kororka magaalooyinka iyo maalgelin la’aanta ay si weyn u saameeyeen sugnaanta biyaha ee Afrika, taasoo caqabad ku ah horumarka waara ee qaaradda.
Wuxuu sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo xoojinta adkeysiga bulshooyinka si ay ula tacaalaan khataraha isa soo taraya, isagoo tilmaamay in helitaanka biyo nadiif ah uu si toos ah ugu xiran yahay awoodda bulshooyinka ee la qabsiga isbeddelka cimilada.
“Haddii aan la xoojin iskaashiga iyo taageerada, khatarahaasi waxay sii wiiqi karaan nolosha iyo horumarka bulshada,” ayuu yiri wasiirku.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqay in la kordhiyo iskaashiga caalamiga ah iyo maalgelinta, si loo xaqiijiyo yoolka SDG6 ee ah in dhammaan bulshada helaan biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo.











