araakiisha federaalka ee Mareykanka, oo ay ku jiraan FBI, ayaa howlgal baaris ah ku qaadday in ka badan 20 ganacsi oo ku yaalla Minneapolis, kuwaas oo badankood lala xiriirinayo bulshada Soomaalida, sida ay sheegtay waaxda Caddaaladda.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah baaritaan lagu sameynayo eedeymo ku saabsan in si khaldan loo isticmaalay lacagaha federaalka, gaar ahaan barnaamijyo taageero bulsho ah sida daryeelka carruurta iyo adeegyada guryeynta.
Maamulka ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana aan weli si rasmi ah loo shaacin dhammaan faahfaahinta ama cidda lagu soo oogayo dambiyada.
Howlgalladan, oo lagu fuliyay amar maxkamadeed, ma ahayn kuwo la xiriira la-dagaallanka socdaalka sharci darrada ah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in hay’adda FBI ay la shaqeynayeen hay’ado kale oo heer federaal, gobol iyo degmo si loo fuliyo baaritaanka socda.
Ugu yaraan 22 amar oo baaritaan ah ayaa laga fuliyay meelo kala duwan oo Minnesota ah, inkasta oo aan weli la caddeyn tirada guud ee goobaha la beegsaday. Ilaa hadda lama shaacin cid la xiray ama dacwado la soo oogay.
Qaar ka mid ah goobaha la baaray ayaa ahaa xarumo bixiya adeegyada autism-ka, sida ay sheegtay Shireen Gandhi, oo ah madaxa adeegyada bulshada ee gobolka. Waxay tilmaantay in tallaabadani muhiim u tahay qoysaska ku tiirsan adeegyadaas iyo canshuur-bixiyeyaasha ka careysan ku-takrifalka nidaamyada bulshada.











