Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadantinimada Tom Fletcher ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaaneysa ee dalka ka jirta.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ayaa ku jira xaalad nafaqo-darro daran gudaha Soomaaliya.
Wakiilka ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay saameynta isbeddellada cimilada ee soo noqnoqda, abaarta, iyo xaaladda iskaashi ee u dhexeysa Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay wajahaysaa cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya, kaddib kororka qiimaha shidaalka iyo saameynta ay leedahay xannibaadda marin-biyoodka Hormuz, taas oo keentay in qiimaha gaadiidka iyo badeecadaha aasaasiga ah uu si weyn u kaco.











