Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday mucaaradka iyo madaxii hore ee dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii uu ku jiray mucaaradka aanay jirin wax wadatashi iyo la-tashi siyaasadeed oo dhab ah oo lala yeesho dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isaga uu diyaar u yahay in uu dhageysto siyaasiyiin aragtiyo kala duwan ka qaba dowladdiisa, si loo xoojiyo wadashaqeynta siyaasadeed ee dalka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo dhowdahay dhammaadka muddada dastuuriga ah ee dowladdu, inkastoo dhowaan la ansixiyay isbeddello dastuur oo u oggolaanaya in dowladda ay muddo hal Sanno ah.











